My Real Partner Laylo Cadey

puntland guul ayay gaartay

02/08/2009 12:03

 

Addis Ababa: " Puntland guul ayay gaartay, waa in Soomaalida kale raacdaa wadadaasi oo kale" Raysalwasaaraha dalka Itoobiya.
3. august 2009 

APL

 

Addis Ababa(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zanewi ayaa ku amaanay dowladda Puntland ee dalka Soomaaliya horumarka ay gartay, isagoo sheegay in ay dadka gobalada Puntland ay gaareen horumar dhinac walba ah.

Meles oo ka hadlayay magaalada Addis Ababa mar uu la hadlayay Dad heysta Diinta Islaamka oo isku soo baxay ayuu sheegay in ay dowladda Puntland gaartay guul la taaban karo oo dhinacyo badan leh.

Raysalwasaare Zanewi ayaa baaq udiray dhamaanba Umada Islaamka ah oo ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Nabadgalyada, wuxuuna sheegay in ay nabadgalyadu tahay mida kaliya ee aduunka horumar lugu gaarayo.

" Dadka Soomaaliyeed waxaan si gaar ah ugu baaqayaa in ay ka shaqeeyaan amaanka, waxaan ugu baaqayaa in ay ku daydaan dowladda Puntland ee dalka Soomaaliya oo gaartay horumar leh dhamaanba dhinacyadii looga baahnaa dowladda ama maamul gobaleed" Ayuu yiri Raysalwasaaraha dalka Itoobiya.

Mr. Meles wuxuu sheegay in ay dowladda Itoobiya aad uga walaacsan tahay xaalka dalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay joogaan khatar meel sare gaartay, markii sida uu sheegay ay Soomaaliya galeen dagaalyahano badan oo ka soo horjeeda amaanka Soomaaliya, waa sida uu hadalka udhigaye.

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dowladda Puntland horumarka ay gaarsiiyeen deegaanadooda, wuxuuna ugu baaqay Madaxda kale ee Soomaalida ee gobalada dalka in ay ka shaqeeyaan sidii ay nabad uga dhalin lahaayeen deegaanadooda, isagoo wax laga xumaado ku sifeeyey dagaalada ka socda Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya meelo ka mid ah.

F. C. Maxamed
AllPuntland

WAR LA XIRIIRA
Related Articles
Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com

 

Back

Search site

© 2009 All rights reserved.