My Real Partner Laylo Cadey

galkacyo

02/08/2009 12:04

 

Gaalkacyo: Wafdigii dowladda Puntland ee joogay gobalka Mudug soo afmeeraya Booqashadooda.
3. august 2009 

APL

 
 
Gaalkacyo(AllPuntland)- Wafdi ka socda dowladda Puntland oo booqanayay gobalka Mudug todobaadyadii ugu dambeeyey ayaa soo afmeeraya booqashadoodii, markii looga yeeray caasumada Puntland ee Garowe, markii uu soo gaaray Madaxweynaha dowladda Puntland ee dalka Soomaaliya Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland C/rishiid Maxamed Xirsi oo hogaaminayay wafdigan ayaa soo gaaray magaalada Garowe, markii uu ka soo laabtay magaalada Gaalkacyo, waxaana uu kulamo la qaatay Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo uu warbixin dheer ka siiyey waxyaabihii ay ku soo arkeen guud ahaan gobalka Mudug.

Warar Madax banaan ayaa sheegaya in ay Wafdigan soo gudbiyeen warbixin ka turjumeysa xaalada dhabta ah ee ka taagan gobalka oo dhan, gaar ahaana Magaalo Madaxda gobalka Mudug ee Gaalkacyo, ayagoo mid-mid falanqeyn ugu sameynayay xaaladaha jira oo dhan.

Arrimaha ay ka turjumeyso warbixinta ayaa ah dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dhacay, amaanka gobalka, Hanaanka Maamulka, Arrimaha Abaaraha & Dhaliilaha ay leeyihiin Madaxda dowladda ee kusugan gobalkaas, waxaana warbixinta lasheegay in aysan jiri doonin shaacin lugu sameynayo.

Wararka ayaa sidoo kale qiraya in ay jiraan qaladaadyo ay soo sheegeen Wafdigan, isla markaasna ay usoo gudbiyeen Madaxda dowladda Puntland oo ay ka codsadeen in sida ugu dhaqsaha badan wax ka badal loogu sameeyo arrimaha ay doonayaan ee ay soo arkeen.

Kormeerkii ugu dambeeyey ayay wafdigan oo uu waqtigan hogaaminayo Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi ay ku tageen Saldhigyada ciidamada iyo Xarumaha arrimaha Bulshada sida Waxbarashada iyo Caafimaadka oo ay la kulmeen dadka jooga ayna ujeediyeen Dardaaran ku aadan waxqabad in lugu balamay.

F. C. Maxamed
AllPuntland
Back

Search site

© 2009 All rights reserved.