My Real Partner Laylo Cadey

madaxwayne c/raxmaan

04/08/2009 19:09

Garowe: Madaxweynaha Soomaaliya, RW Soomaaliya, Cali Baashi, Ismaaciil Hure Buubaa oo Telfoon uga qeybgalaya Xuska Caawa ee Madaxtooyada.
1. august 2009 

APL

 
Madaxweynaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Raysalwasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar C/rishiid Cali Sharmaake, Xildhibaan Cali Baashi Xaaji Maxamuud, Xildhibaan Ismaaciil Hure Buubaa ayaa goor dhaw khadadka Telfoonada kaga qeybgalay xuskan ka socda Aqalkan Madaxtooyada ee magaladan Garowe.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan dalka Kenya ayaa ugu hambalyeyey Shacabka Puntland guusha ay gaareen, wuxuuna sheegay in ay kala shaqeynayaan sidii loo adkeyn lahaa nabadgalyadaas, isagoo sheegay in ay muhiim tahay nabad ka dhacda guud ahaan dalka Soomaaliya.

“ Walaalaheena Puntland wax badan ayaad qabsateen Hambalyo ayaan idin leeyahay dowladda Soomaaliya-na waxa ay bilaabaysaa qorshayaasheeda ku aadan arimahaasi oo aan guul ka gaari doono, waxaana og nahay Wanaaga ay Puntland ugeystay Shacabka Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Raysalwasaaraha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ku sugan dalka Kenya ayaa isna sidoo kale Hambalyo udiray Shacabka Dowladda Puntland ee caawa utaagan xuska 11 sannad guuradii ka soo wareegatay markii la dhisay dowladda Puntland, wuxuuna tibaaxay in ay ay doonayeen in ay ka soo qeybgalaan xuskasi, balse ay usaamixi weyday howlaha ay ahaayeen oo ku aadan Qaranimada Soomaaliya.

Mr. Cumar wuxuu ugu baaqay Shacabka Puntland in ay adkeystaan amaanka iyo Xasilinooida, isagoo wax laga xumaado ku sifeeyey in ay jiraan dad doonaya in ay dhibaato ka fuliyaan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo cadeeyey in uu dhawaan imaan doono Puntland.

Dhinaca kalena Labo mudane oo ka mid ahaa Mudanayaal uu sheegay dhawaan in uu xilkii ka qaaday Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Aaden Maxamed Nuur, kuwaasoo kala ah Ismaaciil Hure Buubaa & Cali Baashi Xaji Maxamuud ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in ay ku soo wajahan yihiin deegaanada Puntland.

Mr. Buubaa ayaa sheegay in aad ujeclaayeen in ay xuskan ka soo qeybgalaan, balse ay saami-xiweday diyaaradii ka soo qadi lahayd magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay joogaan, balse wuxuu sheegay in ay dhawaan iman doonaan deegaanada Puntland oo uu sheegay in ay wadan qorshayal dan u ah Bulshada Puntland.

Cali Baashi ayaa sidoo kale sheegay in ugu baaqayo Shacabka Puntland in ay nabadgalyada Adkeeyaan, wuxuuna tilmaamay in ay muhiim tahay xusaskan oo kale oo ay lagama maarmaan tahay in laga shaqeeyo amanka iyo xasiloonida iyo xuskan oo uu sheegay in ay tahay Astaanta Midnimada ee dowladda Puntland ee Soomaaliya.

Waraaqaha Diblumasiinta ka imaanaya Caalamka iyo gudaha dalka Soomaaliya ayaa iska soo daba dhacaya, waxaana hada Xildhibaanada ku sugan magalada Muqdisho ay soo direen Hambalyooyin kala duwan.

F. C. Geylan
AllPuntland, Gudaha Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garowe, Soomaaliya.

Back

Search site

© 2009 All rights reserved.