My Real Partner Laylo Cadey

garoowe

04/08/2009 18:56

Garowe: " Dadka Soomaaliyeed ee heysta Gobalo aysan laheyn in ay ka baxaan ayaan ugu baaqaynaa" Madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliya.
2. august 2009 

APL

 
Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliya C/rixmaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in ay Puntland dooneyso dadaal nabdeed in ay ku gaarto meelo walba oo ka mid ah dhulkeeda, isagoo Madaxweynuhu xalay ka hadlayay Xus ka dhacay Aqalka Madaxtooyada.

Madaxweyne Faroole wuxuu cadeeyey in ay dowladdiisu diyaar utahay wada hadalsiinta dhinacyada Soomaalida ee ku dagaalamaya dalka Soomaaliya, mar uu ka hadlayay arimaha dagaalada iyo Mucaaradida ka taagan Koonfurta dalka Soomaaliya.

Mr. Faroole wuxuu sheegay in deegaano badan oo ka mid ah dhulka Soomaaliya ay heystaan dad uu ku sheegay in aysan udhalan, wuxuuna ugu baaqay dadkaasi in ay ka baxaan gobaladaasi oo uu sheegay in ay ku jiraan Gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn meelo kamid ah iyo waliba Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

" Walaalaheena Soomaalida ah ee kala heysta dhulal aysan udhalan ama laga taageersaneyn waxaan ugu baaqeynaa in ay ka baxaan oo ay garwaaqsadaan dadaalada nabdeed, waxaana aad uga xun-nahay in dad badan oo diidan nabadda Soomaaliya ay jiraan" Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay si siman Lacagaha iyo deeqaha ay halayso ugu qeybsiso dowlad gobaleedyada & gobalada kale ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Madaxda dowladda Soomaaliya ay arimahaasi kala hadli doonaan oo ay doonayaan in ay wax badan isla meeldhigaan.

" Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa in dhaqaalaha Soomaaliya magaceeda lugu helayo ay si siman ugu qeybiyaan Shacabka Soomaaliyeed, dowladda gobaleedyada iyo gobalada aan Maamulada laheyn-ba, waayo Deeqaha magaca Soomaaliya ayaa lugu soo qaadaa" Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.

Madaxda dowladda Puntland iyo Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa lafilayaa in ay todobaadka inagu soo aadan usoo bilowdaan kulamo looga hadlayo arimo badan, markii ay soo gaareen deegaanada wafdi kasocda dowladda Soomaaliya oo ay warar sheegayaan in uu hogaamin doono Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar C/rishiid Cali Sharmaake oo ka soo jeeda gobalada Puntland.

F. C. Maxamed
AllPuntland

Back

Search site

© 2009 All rights reserved.