My Real Partner Laylo Cadey

galkacyo

10/08/2009 17:53

Gaalkacyo: Ciidamada dowladda Puntland ee Gaalkacyo oo qabtay dad badan oo xalay jabiyey Xaalada deg deg ahayd.
10. august 2009 

APL

 
Gaalkacyo(AllPuntland)- Dowladda Puntland ayaa qabatay dad badan oo xalay jabiyey Bandowgii ama xaaladii adkayd ee lugu soo rogay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, waxaana ciidamada amaanku ay wadaan howlgalo xoog leh.

Ciidamada ayaa soo qabtay gaadiid iyo dadkii watey oo jabiyey waqtiga Bandowga, isla markaasna doonayay in ay jabiyaan sharuucda Bandowga ee laysku raacay in aan marnaba lasii dayn qofkii la qabto, isagoo maraya magaalada wixii ka dambeeya 08:00 Fiidnimo saacada Gaalkacyo.

Sida uu sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dad badan oo la qabtay, isla markaasna ay doonayaan in ay sharciga mariyaan, isagoo wax laga xumaado ku sheegay in waqtiga bandowga ay dad socdaan.

Ciidamada dowladda Puntland ayaa qaaday labadii habeen ee lasoo dhaafay howgalo culus oo ay wax uga qabanayaan xaaladaha amaan ee magaalada Gaalkacyo, oo faraha ka baxay mudooyinkii ugu dambeeyey.

Magaalada ayaa noqotey todobaadyadii ugu dambeeyey meel aan amaan ka jirin, isla markaasna keentay in gudaha magaalada lugu dilay Wasiir ka tirsanaa dowladda Puntland, waxaana hada ka bilaabata magaalada in Baabuurta laga fiiqo Bacmaha Badow ee qarinaya qofka ku jira Baabuurka gudihiisa.

Talaabooyin ay dad badan soo dhaweeyeen ayay ciidamada amaanku ilaa hada ka qabteen magaalada Gaalkacyo, waxaana Dadweyne badan ay soo dhaweeyaan hirgalida Bandowgan oo si toos ah uga shaqeeyey magaalada Gaalkacyo.

F. C. Maxamed
AllPuntland
Back

Search site

© 2009 All rights reserved.